Taliban oo qabsatay magaalo madaxda gobolka Nimruz ee Afghanistan

0
674

Kooxda Taliban ayaa la wareegtay magaalada Zaranj ee gobolka Nimruz ee dalka Afgaanistaan,
Waxaa ay tani ka dhigaysa caasimaddii ugu horraysay ee gobolka ee kooxdu ka qaadato dowladda Afgahanistan iyada oo sii xoojinaysa weerarada laba gobol oo kale.
Ilo wareedyo badan ayaa u sheegay warbaahinta Al Jazeera in Zaranj, oo ah caasimadda gobolka koonfureed ee Nimruz, ay gacanta u gashay Taliban shalay.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in kooxda ay la wareegtay magaalada Lashkar Gah oo ah xarunta gobolka Helmand.