Gawaarida gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano PSV ayaa dib u bilaabi doono inay si buuxda u qaadaan rakaabka laga bilaabo maalinka Isniinta ee 9-ka bishaan.
Xoghayaha wasaaradda gadiidka u qaabilsan dhanka maamulka Chris Obure ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegay in maamulayaasha shirkadaha gawaarida rakaabka dadweynaha ay oggolaadeen inay u hoggaansamaan tilmaamaha wasaraadda caafimaadka islamarkaana dib-u-eegis lagu sameeyay hab-raacayada cudurka Covid-19.
Waxaa uu sheegay in soo dhisayaan kalsooni ah in gaadiidka dadweynaya ay si buuxda rakaabka u qaadaan iyadoo laga hor taggaya faafitaanka fayraska Corona.
Mr. Obure ayaa sidoo kale sheegay in baaburta ay dadweynaha raacaan ee loo yaqaano mataatuuda iyo shirkadaha basaska ee Sacco loo xilsaarayo inay hubiyaan u hoggaansanaanta xeerarka Covid-19 iyo badqabka rakaabka.
Dhanka kale guddoomiyaha ururka milkiilayaasha baabuurta gaadiidka dadweynaha ee Mataatuuda Dickson Mbugua ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono gadiidkii aan u hogggaansamin tilmaamaha wasaaraadda caafimaadka islamarkaana lagala laaban doono leesinka.
Edwin Mukabana oo ah guddoomiyaha ururka wadayaasha basaska ee dalka ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in hawlwadeennada basaaska ay codsanayaan in loo tixgeliyo inay bixiyaan adeegyo muhiim inta lagu guda jiro bixinta tallaalka Covid-19.
Waxaa uu xusay in shirkadaha basaska ay lumiyeen 31 bilyan oo shilinka dalka ah islamarkaana ay wayeen 127,000 shaqo guud ahaan dalka.