Madaxweynaha Koonfur Afrika oo magacaabay gole wasiiro oo cusub

0
430

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa isbeddelo ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.
Waxaa uu sheegay in wadankaasi uu wajahaya caqabado dhowr ah kuwaas oo u baahan in laga jawaabo taasina ay sababtay isku shaandheynta uu ku dhaqaaqay.
Culaysyada uu dalkaasi wajahayo waxaa ka mid ah cudurka Covid-19 oo sababay geerida 73,873 muwaadin oo u dhashay dalkaasi.
Caqabadaha kale ee wadankaasi ka taagan waxaa ka mid ah xaalado amni darro ka dib marki bishi hore ee Koonfur Afrika ka dhaceen rabshado horseeday dhimashada dad gaaraya 350 qof iyo burbur hantiyeed oo baahsan.
Madaxweyne Cyril Ramaphosa oo khudbad qaran u jeedinayay shacabka dalkiisa ayaa dhanka kale xusay in la qaadi doono tallabooyin dheeraad ah sida dib u habayn lagu sameeyo dhaqaalaha dalkaasi oo waxyeelo badan uu gaarsiiyay safmarka COVID19.
Sidoo kale waxaa la dedejinayaa dadaallada wasaaradda caafimaadka dalkaasi ee ku aaddan tallaalka cudurkan.
Wasaaradaha isbeddelka uu ku sameeyay madaxweyne Ramaphosa waxaa ka mid ah caafimaadka, maaliyadda iyo tan difaaca kuwaas oo loo magacaabay dhamaantood mas’uliyiin cusub.