Dowladda Maraykanka ayaa madaxweynaha dalka Iiraan Ebrahim Raisi kula talisay inuu fursad siiyo dibloomaasiyadda siyaasadeed ee ay heshiiska ku yihiin wadamada caalamka.
Waxaa ay ka codsaday inuu ka shaqeeyo sidii dowladiisa ay dib ugu soo laaban lahayd miiska wada hadalka ee ku aaddan barnaamijka hubka nukliyeerka.
Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii Iiraan iyo qaar ka mid ah wadamada ugu awoodda badan caalamka ay heshiis arrinkan ku aaddan saxiixdeen.
Waxaa xilligaasi la isku afgartay in xukuumadda Tehraan laga fududeeyo cunaqabateynta saaran iyadana ay hoos u dhigto heerka hubka nukliyeerka.
Hasa ahaate waxaa tan iyo mudadaasi jiray eedeymo uu Maraykanka u jeedinayo dowladda Iiraan oo ah inaynan daacad ka ahayn dhaqangelinta qodobadii lagu heshiiyay.