TPLF oo la wareegtay magaalo muhiim ah

0
870

Jabhadaha ka soo jeeda gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ayaa la wareegay magaalada Lalibela, oo ah goob ay UNESCO ka dhaxashay dhaxalka gobolka Amxaarada.
Lalibela, oo hoy u ah kaniisadaha Qarnigii 13 -aad ee dhagax laga qoday, waa goob quduus u ah malaayiin Masiixiyiin ah oo Orthodox ah,Dadka deegaanka ayaa ka cararaya goobta jabhadda ay qabsatay sida ay saraakiisha deegaanka u sheegeen Warbaahinta.
Kumanaan qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday bishii November ee la soo dhaafay. Dagaalka ayaa hadda ku sii fidaya Amxaarada iyo Canfarta oo ah gobol kale oo xuduud la leh Tigray,Malaayiin qof ayaa sidoo kale barakacay.