Madaxweyne Kenyatta oo magacaabay 4 ka md ah guddiyada IEBC

0
537

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa magacaabay Juliana Wihonge Chirera, Francis Mathenge Wanderi, Irene Cherop Masit iyo Justice Abonyo Nyangaya.
Waxaa shaqisyaadkan loo magacaabay inay ka mid noqdaan xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.
Magacyada afarta shaqsi ayaa loo gudbiyay baarlamaanka dalka si loo turxaan bixiyo.
Guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha sharciga ayaa lagu wadaa inay su’aalo weydiiyaan masu’uliyintan si warbixintooda loogu gudbiyo xildhibaanada oo ay u codeeyaan.
Afartan ayaa laga soo xushay tiro 36 Kenyaan ah oo su’aalo laga weydiiyay boosaskan banaan.