Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay duqeymo dhanka cirka ah ka gaysteen wadanka Lubnaan.
Tani ayaa timid ka dib markii maalinkii labaad gantaallo looga soo tuuray dhinaca kale ee xadka sida laga soo xigtay ciidamada ilaalada hawada ee Israa’iil oo qoraal soo dhigay barta Twitter-ka.
Waxaa qoraalka qayb ka ah in la bartilmaameedsaday goobaha kooxo fuliya falalka amni darro.
Madaxweynaha dalka Lubnaan Michel Aoun ayaa dhankiisa duqeymaha Israa’iil ku sheegay kuwa muujinaya sida uu u sii kordhay daandaankisa ka dhanka ah wadankiisa.
Mr. Aoun ayaa xusay in weeradda ay yihiin khatar toos oo dhanka xasiloonida iyo amniga koonfurta Lubnaan.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in duqeymaha Israa’iil ay xadgudub ku yihiin qaraarada golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Sanadkii 2006-dii ayay ahayd markii Israa’iil ay la dagaalantay kooxda Xizbullahi oo awood ku leh koonfurta Lubnaan oo dowladda Iiraan lagu eedeyo inay garab siiso hasa ahaate tan iyo xilligaas xuduudda labada dal wax xasarad ah kama taagnayn.