Maxkamadda ugu sarreysa wadanka Brazil ayaa soo saartay amar ah in baaritaano lagu sameeyo hoggaamiyaha dalkaasi Jair Bolsonaro.
Mas’uulkan ayaa loo soo jeediyay eedeymo ah inuu khiyaano sameeyay.
Waxyaabaha loo haysto waxaa ka mid ah inuu yiri hannaanka doorashooyinka ee dalkaasi sax ma aha in kastoo uunan caddeymo loo cuskan karo soo bandhigin.
Sidoo kale waxaa lagu dhaliilay in maamulkiisa uu faafiyo warar been abuur ah.
Waxaa go’aanka ah in la baaro Jair Bolsonaro soo saaray garsoore Alexandre de Moraes .