Gabadh dhiganaysay fasalka afaraad ee dugsiga sare oo is dishay

0
845

Booliska ismaamulka Migori ayaa bilaabay baaritaan ka dib markii ay is qaarijisay gabadh dhiganaysay fasalka Afaraad ee dugsiga sare wiilasha iyo gabdhaha ee Nyarongi Secondary School, kaas oo dhaca deegaan baarlamaaneedka Bariga Suna.
Ku xigeenka gudoomiye xaafadeedka aagaasi George Owiti ayaa sheegay in ardayada oo jirtay 20 sanno ay is dishay subaxnimadii maanta.
Mr. Owiti ayaa xusay in ka hor inta ay isdilin gabadha ay muujinesay astaamo ah murugo iyo in ay marar badan sheegtay inay sidilayso.
Waxaa uu intaasi raaciyay guddoomiyaha in xaley dhan ay la joogtay gabadh ay asxaab yihiin si looga ilaaliyo inay is disho.
Sido kale guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in subaxnimadii hore ee maanta uu macalin la joogay gabadha is dishay si niyada loogu dajiyo balse markii ay kala tageen macalinka ay u carartay halka ay ardayda seexdaan ka dib na ay is daldashay.
Weli ma cadda sababta ay isku dishay ardayadaasi.