Koox carruur ku afduubatay Nigeria oo madax furasho dalbanaya

0
589

Waalidiinta carruurtooda looga haysto wadanka Nigeria ayaa laga dalbaday inay bixiyaan lacag madax furasho ah.
Kooxda afduubka gaysatay ayaa doonaysa in canug kasta laga bixiyo lacag dhan hal milyan oo Naira.
Bishii hore ayay ahayd markii 80 carruur ah laga kaxeystay dugsi leh qaybta jiifka kaasoo ku yaalla waqooyiga Nigeria.
Lacagta madax furashada ee la dalbaday waxaa warbaahinta u sheegay baadari ka qayb qaadanaya wada-hadallada lagu siidaynayo carruurta la qafaashay.