Xaaladaha COVID19 ee Brazil oo ku dhow 20 milyan

0
476

Dowladda dalka Brazil ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda gudaha wadankaasi laga diiwaangeliyay in ka badan 19.8 milyan oo ah xaaladaha cudurka COVID-19.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay keliya cudurka COVID19 ayaa dalka Brazil ku galaaftay nolosha 910 bukaan oo dheeraad ah.
Tani ayaa tirada guud ee dhimashada ka dhalatay COVID19 ee Brazil ka dhigaysa 555,400.
Jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto waxyaabaha ku soo kordhaya caabuqa ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee Brazil ay tahay midda labaad ee ugu sarreysa caalamka marka laga soo tago Maraykanka.
Bishii koowaad ee sanadkan ayaa ugu dambeysay in hal maalin gudaheed Brazil laga diiwaangeliyo kiisas ka hooseeya 1000.