Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Pakistaan ay ka gudbeen xadka Afghanistan si ay uga garab u siiyaan kooxda Taliban uu dagaalka kula jirto dowladda Afghanistan.
Mr Khan ayaa sheegay in Pakistan ay soo gaadhay dhibaato aad u baaxad weyn intii lagu guda jiray dagaalkii dheeraa ee Maraykanka oo ka fulinyay Afghanistan.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in dowladdiisa aysan u ogolaan doonin in Mareykanka uu saldhigyo ka sameysto gudaha Pakistan si ay u qabtaan howlaha sirdoonka ama ay u fuliyaan howlgalo ka dhan ah kooxda Taliban.
Khan ayaa sheegay in Pakistan ay ku riixday Taliban inay kala xaajoota Mareykanka soo afjaridacolaadda Afghanistan.
Waxaa uu intaaa ku daray in natiijada ugu wanaagsan ee siyaasada Afghanistan ay tahay dowlad loo dhan yahay.