Xoghayaha difaaca ee Maraykanka oo tagay Vietnam

0
366

Xoghayaha waaxda gaashaan dhigga ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa safar ku tagay dalka Vietnam.
Waxaa uu doonaya inuu wanaajiyo xiriirka dhanka amniga ee ka dhexeya xukuumadaha Washington iyo Hanoi.
Austin ayaa la filayaa inuu maanta kulan la qaato dhigiisa wadankaasi, Phan Văn Giang , madaxweynaha Vietnam Nguyen Xuan Phuc iyo ra’iisul wasaare Pham Minh Chinh.
Tan iyo dhammaadkii dagaalkii Vietnam ee sanadkii 1975-tii, labadan dowladood ayaa ku dadaalayay sare u qaadidda cilaaqaadkooda.