Xayiraadda COVID19 ee Australia oo la kordhiyay

0
437

Maamulka magaalada Sydney ee dalka Australia ayaa kordhiyay mudada ay sii shaqeynayaan xayiraadaha lagu xakameynayo faafidda cudurka COVID19.
Waxaa ay amarradan sii jiri doonaan muddo afar toddobaad oo dheeraad ah.
Go’aankan oo lagu dhawaaqay maanta oo Arbaco ah ayaa imaanaya iyadoo inta badan shacabka magaaladaasi ay guriyahooda ku sugan yihiin balse uu halkaasi weli caabuqa ku sii fidaya.
Maamulka Sydney ayaa wacad ku maray inuu tallaabo adag ka qaadaya cidii aan u hoggaansamin xeerarka jira ee ka dhanka ah cudurka.