Wasiirka caafimaadka ee Ingiriiska oo lagu dhaliilay hadal ku saabsan COVID19

0
599

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee boqortooyada Ingiriiska Sajid Javid ayaa dhaliil xooggan kala kulmay hadal uu jeediyay oo ku saabsanaa cudurka COVID19.
Waxaa uu ku baaqay in aan laga cabsan cudurka oo ay dadku bartaan sidii ay ula noolaan lahayeen.
Hasa ahaate wasiirka ayaa lagu eedeyay inuu dadka u horseedaya inay fududeystaan halista caabuqa isagoo dhaawacaya quluubta dadka ay eheladooda u geeriyoodeen fayraska.