Dhagaysiga dacwadda racfaanka ee Zuma oo dib loo dhigay

0
455

Maxkamad ku taalla dalka Koonfur Afrika ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwadda racfaanka ee madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma.
Waxaa uu wajahayaa eedeymo musuqmaasuq oo gaaraya ilaa 16.
Go’aanka dib u dhigidda dacwadda waxaa soo saaray garsoore Piet Koen ka dib markii uu Zuma shalay qaab fogaan arag ah dhageysiga kiiskan uga qayb galay maxkamadda magaalada Pietermaritzburg.
Dacwadiisa ayaa la dhagaysan doonaa 10-ka ama 13-ka bisha sideedaad ee sanadkan.