In ka badan 35 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Ciraaq

0
488

Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay qarax lala eegtay suuq ku yaalla caasimadda dalka Ciraaq ee Baghdaad.
Waxaa weerarkan gaystay qof isa soo miidaamiyay.
Ilo wareedyo ka tirsan booliska dalkaasi Ciraaq ayaa laga soo xigtay in falkaasi ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 qof.
Wararka ayaa intaa ku daraya in tirada dhimashada ay sare u sii kici karto maadaama in badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato.
Sidoo kale dadka dhintay waxaa ka mid ah haween iyo carruur iyadoo dukaamo dhowr ah ay gubteen.
Qaraxa ayaa dhacay xilli dad badan ay ku sugnaayeen suuqa oo laga adeeganayay maadaama maanta loo dabaal degaya ciidul adxaa.
Waxaa mas’uuliyadda weerarkan sheegatay kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS oo shaacisay in mid ka mid ah dagaalyahanadeeda uu fuliyay.