15 dowladood oo Taalibaan u soo jeediyay xabadjoojin

0
336

15 ka mid ah wadamada safaaradaha ku leh dalka Afghanistan iyo sidoo kale gaashaanbuurta NATO ayaa kooxda Taalibaan u bandhigay inay dhaqangeliso xabadjoojin.
Waxay kooxdan u soo jeediyeen inay soo afjarto weerarrada ay ka wado dalkaasi.
Tani ayaa imaanaysa saacado un kadib markii uu fashilmay kulan nabadeed oo magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku dhex maraya dhinacyada Taalibaan iyo dowladda Afghanistaan maadaama aan lagu heshiin xabad joojin.