Booliska Thailand iyo dibadbaxayaal isku dhacay

0
356

Waxaa uu caasimadda dalka Thailand ee Bangkok maanta isku dhac ku dhex maray ciidamada ammaanka iyo dad dibadbaxyo dhigayay.
Dibadbaxayaasha ayaa dafiray tallaabooyinka lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19 oo ay ka mid tahay in dad ka badan shan qof aynan hal meel ah isugu tagin.
Waxay dalbanayeen inuu is casilo ra’iisul wasaaraha wadankaasi Prayuth Chan-ocha.
Dadkan ayaa sheegayay in hadii ay guriyaha ku sugnaadaan ay u dhammaanayaan COVID19 taasina ay tahay sababta ay u soo bannaan baxeen.
Xukuumadda ra’iisul wasaare Prayuth ayaa lagu dhaliilay inaynan soo iibsan daawooyin ku filan oo loo adeegsan karo tallaalka ka dhanka ah caabuqa corona.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu dalkaasi wajahayo sare u kac la xiriira xaaladaha cudurka.