Cilmi baaris cusub oo ay sameysay shirkadda darasaadka ee Infotrak ayaa lagu ogaaday in marka la eego waxqabadka dhinacyada kala duwan ee sanadkii 2020-kii , saraakiisha caafimaadka ay liiskan ka galeen nambarka ugu horreeya.
Kenyaanka ayaa dhakhaatiirta ku ammaamay inay safka hore kaga jiraan la tacaalidda cudurka COVID-19 .
Waxaa sahan cilmiyeedkan lagu wareystay 800 oo qof oo ka soo jeedo 24 ka mid ah ismaamullada dalka.
Dhanka waxqabadka waxaa dhakhaatiirta soo raaca warbaahinta sida ay tilmaameen shacabka ka jawaabay su’aalaha kala duwan ee shirkadda.
Sida ay saraakiisha caafimaadka ugu adeegeen bulshada ayaa lagu qiyaasay boqolkiiba 70, saxaafadda waxay noqotay boqolkiiba 60 waxaana tirada saddexaad soo galay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ay Kenyaanka waxqabadkiisu ku sheegeen boqolkiiba 46 .
Cilmi baaristan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 27-kii ilaa 29-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore.
Waxaa warbixinta sidoo kale ku cad in waxqabadka booliska uu noqday boqolkiiba 45, baarlamaanka-39 boqolkiiba, aqalka sare -35 boqolkiiba waxaana ugu dambeeyay dowladaha ismaamullada oo waxqabadkoodu lagu sheegay boqolkiiba 31.
Boqolkiiba 65 ee shacabka la wareystay waxay sheegeen in dowladda aynan sanadkii hore sida habboon u maareyn dhaqaalaha.
42 boqolkiiba waxay ku kalsoon yihiin in sanadkan xaaladda dhaqaale ay wanaagsanaan doonto halka boqolkiiba 47 ee Kenyaanka ay dhexdhexaad ku tilmaameen sida ay dowladda ula tacaalayso cudurka COVID-19.
Home Wararka Kenya Dhakhaatiirta dalka oo la sheegay in ay ugu waxqabad wanaagsanayeen sanadkii tagay