Shaqaale u dhashay wadamada Shiinaha iyo Mauritania oo laga afduubtay Mali

0
387

Koox hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay koonfurta galbeed ee dalka Mali ka afduubatay shaqaale gaaraya shan oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadamada Shiinaha iyo Mauritania.
Waxay dadkan ka mid ahaayeen howlwadeenada dhisme halkaasi ka socdo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in goobta uu afduubku ka dhacay ay 55 kiiloomitir u jirto magaalada Kwala.
Dableyda ayaa sidoo kale la baxsaday 5 ka mid ah baabuurta xamuulka sida laga soo xigtay ciidamada qalabka sida ee Mali oo bayaan soo saaray.
Kooxda ayaa burburisay agab iyo gaadiidka dhismaha oo ay leeyihiin shirkadda dhismaha ee Shiinaha (COVEC) iyo midda dayactirka waddooyinka ee Mauritania ee ATTM.
Dalka Mali oo tan iyo sanadkii 2012-kii ay ka jireen rabshado ayaa waxaa ku kordhay falalka afduubka ee loo gaysanaya muwaadiniinta dalkaasi iyo ajaaniibta .
Sideedii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii wariye u dhashay Faransiiska lagu afduubtay waqooyiga Mali.