Tirada dadka ku dhintay daadadka xoogan eel aga soo tabiyay wadanka Jarmalka ayaa sare u kacday taas oo gaartay 106 qof.
Waxaana la garaneyn halka ay ku sugan yihiin boqol ruux oo daadalka saameeyay.
125 sano ayaa laga jooga markii galbeedka Yurub uu sidan oo kale daadad saameyn ugu yeesho.
Wadamada kala ah Faransiiska, Switzerland,belgumka, Luxembourg iyo Netherlands, ayuu sido kale aad u saameeyay fatahaadka balse waxaa ugu daran galbeedka Jarmalka.
Dalka Biljimka, tirada dhimashada ee ka dhalatay fatahaadkaas waxaa gaartay 23 qof.
Dhinaca kale Raiisel wasaaraha Holland wuxuu ku dhawaaqay musiibo qaran ah oo ku aadan daadaka.
Waxaa uuna sheegay inay soo gaareen biyaha xoowliga ah ee ah ee dhibaatada ku yeeshay galbeedka Jarmalka iyo belgiumka