In ka badan 19 qof oo ku dhimatay daadad saameeyay Jarmalka

0
315

Ugu yaraan 19 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ka dib roobab xooggan oo ay daadad ka dhasheen kuwaasoo ka da’ay qaybo ka mid ah wadanka Jarmalka.
Dhibaatadan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay howlaha gaadiidka halka guriyo dhowr ah ay burbureen.
Booliska magaalada galbeed ee Koblenz ayaa sheegay in afar ka mid ah dadka dhintay ay ku nafwaayeen degmada Ahrweiler iyadoo 50 qof oo dheeraad ah ay weli saaran yihiin saqafka guriyahooda oo ay sugayaan in la soo badbaadiyo.