72 qof oo ku dhimatay rabshadaha Koonfur Afrika

0
434

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ay sababeen rabshadaha ka taagan wadanka Koonfur Afrika.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 72 qof.
Goobaha ganacsiga ayaa boob laga gaystay in kastoo madaxweyne Cyril Ramaphosa uu howlgeliyay ciidamo dheeraad ah si ay xaaladda u dejiyaan.
Dadka dibadbaxyada rabshadeysan dhigaya ayaa ka soo horjeedo xarigii 15-ka bilood ahaa ee lagu xukumay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma oo lagu helay dembi ah inuu dafiray amar maxkamadeed.
Bishii labaad ee sanadkan ayuunan Zuma ku guulaysan inuu ka soo hormuuqdo guddi baarayay eedeymo ku saabsan musuqmaasuqa oo loo jeediyay intii uu talada dalkaasi hayay 2009-2018-kii.