In ka badan 12 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Turkiga

0
446

Ugu yaraan 12 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen bariga dalka Turkiga ka dib shil halkaasi maanta ka dhacay.
26 ruux oo dheeraad ah ayay dhaawacyo kala duwan soo gaareen ka dib markii uu wadada ka baxay oo uu god ku dhacay bas yar.
Shilka ayaa laga soo tabiyay degmada Muradiye ee gobolka Van.
Wararka ayaa intaa ku daraya in baabuurka uu siday rakaab dhalasho ahaan ka soo jeedo wadamada Afghan, Pakistani iyo Bangladeshi oo aan si rasmi ah uga diiwaan gashanayn Turkiga.