Waxaa xabsiga loo taxaabay aabo 35 sano ah oo la sheegay in faraxumeeyay gabadhiisa islamarkaana uureeyay.
Gabadha ayaa da’adeeda lagu sheegay 13 sano jir.
Saraakiisha waaxda dambi baarista ayaa ninkan ka soo qabtay gurigiisa oo ku yaala deegaanka Kigumo ee ismaamulka Murang’a.
Arrintan waxaa saraakiisha u soo gudbiyay macallinka gabadha ee dugsiga ay wax ka baraneysay kaddib markii uu oo ogaaday in gabadhu u muuqato mid aan fiicnayn.
Sida lagu sheegay warbixin ay booliiska soo saareen , madaxa macallinka dugsiga hoose dhexe ee Gatumbi ayaa geeyay isbitaalka ardayda ee halkaasi waxaana ka dib baaritaan la sameeyay la ogaaday in gabadhu ay leedahay uur 6 bilood ah
Baaritaan hordhaca ah oo la sameeyay ayaa muujinayaa in aabuhu bilaabay inuu gabadhiisa faraxumeeyo bishii Toddobaad ee sanadki hore.
Gabadha ayaa tan iyo markii la soo kaxeeyay goobta carruurta lagu daryeelo ee fadhigeedu yahay deegaanka Muthithi ee ismaamulka Muranga.
Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta booliska isagoo sugaya in maxkamad la soo taago.