Dowladda oo sheegtay inay xakameysay faafidda Ayaxa

0
688

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inay xakameysay dhaqdhaqaaqa Ayaxa la soo tabiyay inuu ku degay qaybo ka mid ah dalka.
Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mr. Peter Munya ayaa sheegay in dhul dheeradkiisu yahay 19,100 heektar laga buufiyay cayayaankan oo ku degay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in lala tacaalay 66 ka mid ah 75 raxan Ayax ah .
Dadaalka dowladda ayuu ku tilmaamay guud ah boqolkiiba 80.
Waxaa uu wasiirka beeraha ee dalka carrabka ku adkeeyay inay adeegsanayaan diyaarado iyo daawooyinka cayayaanka lagula tacaalo oo lagu buufinaya meelaha lagu arkay.
Ilaa iyo hadda 15 ka mid ah ismaamullada dalka ayaa laga soo tabiyay saameynta Ayaxa waxayna kala yihiin Marsabit, Wajeer, Garissa, Tana River, Lamu, Kilifi, Taita Taveta, Mandera, Machakos, Kitui, Isiolo, Samburu, Laikipia, Meru iyo Tharaka Nithi.
Munya ayaa shaaciyay in dowladda ay astaameysay 8 xarumood oo lagula tacaali karo Ayaxa ismaamulladan lagu arkay iyadoo la adeegsanaya 9 diyaaradood oo loogu talagalay kormeerka iyo howlaha buufinta halka saddex kale loo diyaariyay in xilli kasta oo loo baahdo la isticmaalo.
Wasiir Peter Munya ayaa sheegay in iyadoo dowladda Kenya ay kaashanayso hay’adda FAO tababar la siiyay sidoo kalena la howlgeliyay 500 oo ka mid ah dhallinyarada waaxda NYS.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay aad u sarreyso baahida loo qabo daawooyinka lagula dagaalamo cayayaanka sidaas awgeedna meelaha howlahan laga maamulo toddobaad kasta la geynaya 20,000 oo liitar oo daawadan iyo kiimikada kale ah.