Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Tanzania Tundu Lissu ayaa walaac ka muujiyay hannaanka la doonaya in wax looga beddelo dastuurka dalka Kenya ee BBI islamarkaana ay hor kacayaan madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Mr. Tundu oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa ku andacooday in geddisocodka BBI uu kaliya xoojinaya awoodda madaxweynaha halkii uu dhimi lahaa awoodaha kale ee dowladda.
Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Chadema ee dalka Tanzania ayaa sidoo kale sheegay in dalka Kenya oo yeesho xafiis ra’iisul wasaare iyadoo loo marayo BBI ay tahay tallaabo halis ah madaama uusan awood yeelan dooniin islamarkaana uu adeegi doona xafiiska madaxweynaha waa sida uu hadalka u dhigay hoggaamiyaha mucaaradka dalka Tanzania Tundu Lissu.
Waxaa uu xusay in Kenya hadii ay ku dhaqaaqdo arrinkan ay mari doonta isla dariiqa ay dowladdiisa Tanzania martay ee dhanka awoodda.
Waxaa uu intaa ku daray in kenyaanka ay tahay inay ku dadaalaan in wax arrinkan ka fiican sameeyaan.
Hadalka hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Tanzania ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta maxkamadda racfaanka ee dalka ay billowday in ay dhageysato dacwado loo gudbiyay oo looga soo horjeedo go’aan ay 5 garsoorayaal ah ka qaateen qorshaha sharci beddelka ee BBI.