Maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi ayaa la filayaa in ay maanta 2-da galabnimo go’aamiso in eedeysanayaasha loo haysto afduubkii Xafso Maxamad Luqmaan lagu siidaynaya damiin lacageed iyo in kale.
Shalay ayay ahayd markii garsoore Heston Nyaga uu sheegay inuu maanta go’aan ku dhawaaqi doono.
Danstan Omari oo u doodaya Xafso Cabdi Axmad oo ka mid ah eedeysanayaasha ayaa maxkamadda ka codsaday in gabadhan lagu siidaayo damiin.
Tani ayaa timid ka dib markii saraakiisha dambi baarista ay codsadeen muddo 14 cisho ah oo ay Xafso Cabdi iyo Jackson Njogu ku sii haynayaan xabsiga si baaritaanada loo soo dhameeyo.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa sheegtay in labadan qof la soo xiray ka dib 12 cisho oo la raadinayay.
Xafso Maxamad Luqmaan oo ka dib markii la afduubtay loo gaystay jirdil ayaa sidoo kale akoonkeeda bangiyeed lagala baxay ugu yaraan 650,000 oo shilinka dalka ah .
20-kii bishan ayaa Xafso Maxamad Luqmaan laga soo badbaadiyay xaafadda Kayole ee Nairobi oo muddo 5 cisho ah lagu hayay.
Waxay doonaysa in lala xisaabtamo dadka loo haysto inay ka dambeeyeen afduubka si ay caddaalad u hesho.
Ilaa iyo hadda saddex eedeysanayaal ah ayaa loo soo xiray falka afduubka ee dhacay.