Kenya oo saxiixday heshiis ku saabsan tartanka caalamiga ee wadidda baabuurta

0
475

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta shaaciyay in dowladda Kenya ay saxiixday heshiis soconaya muddo 5 sano ah oo la xiriira tartanka caalamiga ee kaxeynta baabuurta ee loo yaqaano Safari Rally.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in heshiiskan uu dhex maray Kenya,xiriirka caalamiga ee (FIA) iyo (WRC) si Kenya ay tartanka u martigeliso ilaa sanadka 2026-ka.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu maanta guddoomiyay munaasabad abaal marin lagu siinayay muwaadin ka soo jeedo Faransiiska oo lagu magacaabo Sebastien Ogier oo tartanka ku soo baxay.
Tartanka oo Kenya lagu qabtay 19 sano ka dib ayaa soo billowday Khamiistii waxaana la soo gabagabeeyay maanta.
Waxaa ka dhashay ciriiri dhanka isku socodka gaadiidka ah gaar ahaan wadada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Nairobi iyo Naivasha.
Sébastien Ogier ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in ay arrin farxadeeda leh tahay intii uu Kenya joogay.
Waxaa uu mid aan caadi ahayn ku tilmaamay taageerada uu ka helay shacabka.
Ninkan ayaa u mahadceliyay Kenyaanka isaga oo xusay in ay leeyihiin wadan qurux badan.
Waxaa uu intaa ku daray in qaybta tartankan ee lagu qabtay Kenya in ay suuragal tahay in xilli ahaan uu ka yaraa kuwii hore in kastoo uusan fududeyn.