Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo howlgelin doono saraakiisha sar sare ee guddiga adeegga macallimiinta (TSC)
Waxaa guddigan madax looga dhigay Thomas Koyier si ay u shaqaaleysiiyaan 5 qof oo qaban doono xilalk sare ee TSC.
Xubnaha uu magacaabay madaxweynaha sida u cad wargeyska rasmiga ee dowladda ayaa kala ah Mary Gaturu, Charles Mutinda, Njoki Kahiga, Margaret Lilan Geneo, Richard Kibagendi, Hellen Hazel Misenda, Eva Naputuni Nyoike iyo Stanley Waudo .
Mas’uuliyiinta cusub ayaa marka ay shaqadoodu billaabaan beddeli doono Beatrice Adu, Mbarak Twahir, Kinoti Imanyara, Albert Ekirapa iyo Tache Gollo oo uu muddo xileedkoodu dhammaaday 19-kii bishii saddexaad ee sanadkan.
Guddiga ayaa laga doonayaa inuu diiradda saaro isku dheeli tirka dhanka jinsiyadda iyo gobollada dalka sidoo kalena uu fursad siiyo naafada.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay TSC ku biireen Jamleck Muturi oo guddoomiye ah iyo afar xubnood oo kale.