Wasiirka caafimaadka oo ku taliyay in diiradda la saaro ka hor tagga malaariyada

0
398

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in hadii la doonaya in dalka laga ciribtiro cudurka duumada ama malaariyada ka hor sanadka 2030 waa in xoogga la saaro ka hortagga iyadoo diirada la saarayo goobaha ay kaneecadu ku badan tahay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in bulshada wacyigelin loo sameeyo si loo hubiyo in qof walba uu leeyahay aqoon uu uga hortaga cudurkan.
Mr. Kagwe ayaa xusay in dalal uu wadanka Cuba ka mid yahay laga ciribtiray xanuunka duumada islamarkaana tirada dhimasahada ee u sababay cudurkan ee gudaha dalka aanan la aqbali karin.
In kasta oo duumada ay leedahay ka hor tag iyo daaweyn labaduba haddana waxaa halis ugu jiro in ka badan 3 bilyan oo qof guud ahaan caalamka.
Waxaa uu qorshuhu yahay haleelidda higsiga ah in sanadka 2030 in dalka laga ciribtiro cudurka duumaada.