Baarlamanka Uganda oo laga diwan galiyay 200 oo kiis oo COVID-19 ah

0
407
Uganda's Prime Minister, standing center-left, addresses Members of Parliament in Kampala, Uganda Thursday, Sept. 21, 2017. Ugandan police on Thursday fired tear gas to disperse protesters and arrested dozens of people opposed to plans to introduce legislation that could allow the longtime president Yoweri Museveni to extend his rule. (AP Photo/Ronald Kabuubi)

In ka badan 200 qof oo ka howl gala baarlamanka dalka Ugandha oo ay ka mid yihiin xildhibaano ayaa laga helay Viruska Corona saddaxdii todobaad ee anu soo dhaafnay.
Tani ayaak u soo aadeysa iyada oo cabsi laga muujinayo Viruska Corona ee dalka Uganda ila hada ay u geeriyodeen in ka badan 700 qof.

Wargayska Daily Monitor ee dalka Ugandha ayaa sheegaya in saddaxdii baaritaan ee baarlamanka laga sameeyay la arkay inay qabaan Viruska Corona.

Aqalka madaxtooyada iyo wasaarada caafimadka ayaa sameeyay baaritanadii ugu dambeeyay, halka natiijadana ay u gudbiyeen hoggamiyasha baarlmanka.

Xildhibanada iyo shaqalaaha barrlamanka ayaa lagula taliyay inay is karantiilaan isla markana raadsadaan wixi daawo iyo la tacaalid ah sida ugu dhakhsiyaha badan.