Midowga Yurub oo ka shiraya sidi ciddamo loogu diri lahaa wadanka Mozambique

0
385

Midowga Yurub, ayaa ayaa qorshaynaya sidi ciidamo loogu diri lahaa dalka Mozambique, si ay gacan uga gaystaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha islaamiyiinta ee ka dagaalama waqooyiga dalkaasi.
Wasiirka arimaha dibada Bortugal, Augusto Santos Silva, oo arinkani ka hadlaya waxaa uu ka dhawaajiyay in shirka ugu soo horeeya ee ay yelanayaan Wasiirada arimaha dibadda midowga Yurub, 12-ka bisha todobaad ee sanadkani uu rajaynayo in lagu meel-mariyo heshiis saamaxaya howlgal militari oo ka socda Midowga Yurub oo lagu taageerayo laguna tababarayo ciidamada Mozambique, si wax looga qabto kacdoonka sii kordhaya ee kooxaha islamiyiinta.
Dawlada Bortaqiiska ayaa horaan ciddamo garaya ilaa 60 askari ugu dirtay dalka Mozambique, si ay tababaro u siyaan cidmadda dalkaasi ee dagaalka kula jira kooxaha islaamiyiinta ah.
Gobalka Carbo-Delgado, ee waqooyiga dalkaasi ayaa waxaa ka dhaca dagaalo cul’culus oo dhex mara dhinacyada iyada oo qalalaasaha ka taagan halkaasi ay ku dhinteen dad garaya 3,000, halka guryahoodi ay ka bara kaceen 8-boqol oo kun oo kale.
Arinkani ayaa kusoo adaysa iyada oo maanta ururka ay ku midaysan yihiin dalalka koonfurta qaradani Africa ay an sixiyeen heshiis ciidamo loogu dirayo dalkaasi.