Dowladda Jarmalka oo ay wakiil ka tahay safaaradeeda magaalada Nairobi ayaa waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ugu deeqday 18 mootooyin ah.
Waxaa agabkan agaasimaha waaxda Mr. George Kinoti ku wareejisay danjiraha Jarmalka ee Kenya Ms Annette Guenther.
Xafladda ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee DCI-da iyada oo danjiraha ay bogaadisay iskaashiga ka dhexeya hay’adaha dambi baarista ee dalalka Kenya iyo Jarmalka.
Waxay intaa ku dartay in dhaqaale ah in ka badan 14.5 milyan oo shilin ay ku taageerayaan howlaha dambi baarista ee waaxda DCI.
Mr. George Kinoti ayaa dhankiisa dowladda Jarmalka uga mahadceliyay taageerada ay u fidisay isagoo xusay in ay sare u qaadayso u adeegidda shacabka.