Wafdi dowladda dhexe ee Soomaaliya ka socda oo Beledweyn ku wajahan

0
359

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku wajahan wafdi ka socda Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Saciid Xuseen Ciid.
Ujeedka Safarka wafdigaan Wasiirka Beeraha oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro, Xildhibaano, iyo Safiiro ayaa waxaa ulagu sheegay sidii ay Magaalada Baladweyne uga dhagax dhigi lahaayeen mashaariicda wax ka qabshada Fatahaadaha Webiga Shabeelle oo Magaaladaas Saamayn weyn ku yeesha.
Sidoo kale Wafdiga ayaa kulamokala duwan la qaadan doona Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Guddiga Fatahaadaha Hirshabeelle, waxayna kala hadli doona dardar-gelinta mashaariicda laga fulinayo Magaalada Baladweyne ee wax looga qabanayo dhibaatada Fatahaadaha.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beerah iyo Waraabka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare iyo xubno kale oo horudhac u ah wafdiga Wasiirka Beeraha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa Gaaray Magaalada Baladweyne.
Webiga Shabeelle ee Mara Gobolo ay ka mid yihiin Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa fatahaado saameyn ku yeesha dadka ka ka gaysta deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, waxaana xiligaan uu si weyn Webigu ugu fatahay Gobolka Shabeellaha Dhexe asagoo Magaalada Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ee Jowhar ay Go’doomiyeen biyaha fatahaada wabiga.