Darawal ayaa la toogtay galabta kadib markii seddex nin oo burcad ah ay rasaas ku fureen gaarigiisa xaafadda Juja, ee ismamaulka Kiambu.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofka la dilay uu kaligiis saarnaa gaariga waxaana loo yaqaanay ‘Subaru Forester’ .
Xiligii rasaasta lagu furayay waxaa uu u weecanayay dhanka wadada Kenyatta Road, oo ka baxsan wadada weyn ee loo yaqaan ‘Thika Superhighway’ abaare 4-tii galabnimo, markii ay burcaddu ku furayeen rasaasta
Kooxda hubaysneyd ayaa sida ay boolisku sheegeen ku raadjoogeen ninka ay dileen.
Qof goobjooge ah ayaa sheegay in dablayda ay u muuqdeen kuwa aad u tababaran ayna aqoon badan u lahayene sida looga takhaluso qof kaxaynayaa baabuur.
Ciidamada booliska ayaa beeniyay inay ku lug lahayeen falka dilka ah.
Booliska ayaana sheegay inaysan ogeen ujeedka loo dilay darawalka iyagoona bilaabay baaritaano.