DHAGEYSO:Xildhibaanka Tarbaj oo cambaareeyay fal 2 qof lagu dilay

0
482

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Tarbaj ee ismaamulka Wajeer Axmad Baashane ayaa cambaareeyay fal lagu dilay labo qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo deegaankaasi.
Waraysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Star ayuu xildhibaanka ku sheegay in dilka uu ka dhacay aagga deegaanka ceelwaaq xilli ay dadkaasi ku soo wajahnaayeen Tarbaj.
Dadweynaha ayuu ka codsaday in ay is dejiyaan isaga oo dhanka kale ciidamada ammaanka ka dalbaday in ay baaritaano sameyaan si gacanta loogu soo dhigo cidii dilka gaysatay oo uu xusay in ilaa iyo hadda aan la aqoonsan.
Xildhibaan Axmad Baashane ayaa khadka taleefoonka ugu warramay Cabdiraxmaan Mucaawiye.