Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay Arrimaha doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay Arrimaha doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.
Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Danjire Kate Foster uga mahad celiyay taageerada ay dowladda Ingiriiska siiso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Dowladda Britain ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay ka caawisaa Arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka iyo Amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments