Wasaaradda caafimaadka ee dalka Brazil ayaa dhimashada guud ee ilaa iyo hadda ka dhalatay cudurka COVID19 ku sheegtay in ka badan shan boqol oo kun .
Tirada xaaladaha caabuqa corona ee wadankaasi ayaa ah 17,883,750.
Toddobaadkii ugu dambeeyay waxaa gudaha Brazil maalin kasta laga diiwaangelinayay isku celcelis ahaan 2,000 oo xaalado cusub ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ilaa iyo hadda boqolkiiba 11 ee shacabka ku nool dalkaasi laga tallaalay cudurka.