Iska horimaad ayaa maanta ka dhacay Bandhigga Dhaqanka iyo Dalxiiska Maa oo lagu qabanayay albaabka Sekenani ee ismaamulka Narok, kadib markii ay isku dhaceen taageerayaal kala taageersan siyaasiyiin deegaanka ah.
Wararka ayaa sheegaya in taageerayaasha guddoomiyaha Narok, Patrick Ole Ntutu, iyo kuwa xildhibaanka galbeedka Narok, Gabriel Tong’oyo, ay isku dhaceen, taasoo keentay in goobta bandhiggu ay qalalaase gasho.
Gabriel Tong’oyo ayaa la sheegay inuu doonayo xilka guddoomiyaha ismaamulka Narok doorashada soo socota.
Madaxda siyaasiyiinta ayaa markii dambe soo dhexgalay si ay xaaladda u dejiyaan, loona suurageliyo in madaxweyne William Ruto oo ka qeybgalayay munaasabadda uu sii wato barnaamijka.
Madaxweyne Ruto ayaa hoggaaminayay madaxda bulshada Maa munaasabadda oo ah tii afaraad ee sanadkan, waxaana si wadajir ah u taageerayay dowlad-goboleedyada Narok, Kajiado iyo Samburu.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Iska horimaad siyaasadeed oo hareeyay Bandhigga Dhaqanka iyo Dalxiiska Maa ee Narok




