Baarlamaanka Kenya ayaa toddobaadka soo socda martigelin doona in ka badan 250 xildhibaan oo ka kala socda baarlamaannada in ka badan 100 dal, kuwaas oo ka qaybgalaya shir caalami ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo gaajada iyo nafaqo-darrada.
Shirka Saddexaad ee Baarlamaannada Caalamka ee La-dagaallanka Gaajada iyo Nafaqo-darrada ayaa 16-ka iyo 17-ka November 2026 lagu qaban doonaa xarunta Baarlamaanka Kenya ee magaalada Nairobi.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira isbeddelka cimilada, cunto-yaraanta iyo hababka wax-soo-saarka beeraha ee aan waara lahayn, kuwaas oo khatar ku haya sugnaanta cuntada iyo nolosha malaayiin qof oo dunida ku nool.
Warqad uu u diray Xildhibaanada, Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, Moses Wetang’ula, ayaa sheegay in shirka ay ka qaybgelayaan xildhibaanno, wakiillo ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha (FAO), hay’adaha horumarinta, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsatada gaarka loo leeyahay iyo daneeyayaal kale.
Shirka oo halkudhiggiisu yahay “Sharci-dejin lagu dhisayo nidaamyo cunto iyo beero oo adkaysi u leh isbeddelka cimilada, laguna xaqiijinayo ciribtirka gaajada”, waxaa si wadajir ah u qabanqaabinaya Baarlamaanka Kenya, FAO iyo Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah ee Spain (AECID).
Wetang’ula ayaa sheegay in kulanku uu xildhibaannada siin doono fursad ay ku wadaagaan khibradahooda, kuna xoojiyaan doorkooda sharci-dejinta iyo kormeerka, si wax looga qabto gaajada iyo nafaqo-darrada.
Waxa uu xusay in doodaha shirka ay diiradda saari doonaan xaqiijinta xuquuqda qof kasta u leeyahay helitaanka cunto, fududeynta helitaanka cunto caafimaad leh iyo horumarinta nidaamyo wax-soo-saar cunto iyo beero oo hufan, loo dhan yahay, adkaysi leh, isla markaana waara.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah leeyahay, maadaama dalal badan ay wajahayaan caqabado isku xiran oo ay ka mid yihiin cunto-yaraan, nafaqo-darro, isbeddelka cimilada, saboolnimo iyo hubanti la’aanta sii jiritaanka nidaamyada wax-soo-saarka cuntada.




