Taliska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Saldhiga ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Shabeellaha Dhexe.
Qarax Naftii halignimo ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay banaanka hore ee saldhiga ay Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku leeyihiin degaanka Biya-cade ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
“Lama soo sheegin wax qasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo ka mid ahaa ilaaladii saldhiggasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo haystay xogta Qaraxa kuna jiray fiijignaan dheeri ah ay ka hor tageen qorshihiii ay soo maleegeen Al-shabaab.
Genaraalka ayaa intaasi raaciyay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka ay sii labalaabayaan howlgalada ka dhanka ah xagjirka Al-shabaab.