Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Kimani Ichung’wah, ayaa iska fogeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku aaddan in dowladda ay shaaciso heshiiska ay la gashay bilyaneerka u dhashay Nigeria, Aliko Dangote, kaas oo la xiriira dhismaha warshad sifeysa shidaalka oo qiimaheedu yahay 2.2 tiriliyan oo shilin Kenya ah, kuna taalla ismaamulka Lamu.
Ichung’wah ayaa sheegay in faahfaahinta mashruucaasi ay horeba u tahay xog ay dadweynuhu heli karaan. Wuxuu siyaasiyiinta dalbanaya in heshiiska la shaaciyo kula taliyay inay arrinta u maraan Baarlamaanka, si rasmi ahna uga codsadaan in dukumentiyada la horgeeyo Golaha.
Wuxuu ku dooday in midkoodna siyaasiyiinta dalbanaya heshiiska uusan Baarlamaanka horgeyn mooshin ama bayaan rasmi ah oo ku saabsan in heshiiska la soo bandhigo.
Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo ururrada bulshada rayidka ah ayaa dowladda cadaadis ku saarayay inay shaaciso shuruudaha heshiiska ay la gashay Dangote, gaar ahaan qodobada la xiriira maalgelinta, maamulka hawlgalka iyo waajibaadka dhinacyada ku lugta leh mashruucan balaayiinta shilin ku kacaya.
Dadka dalbanaya hufnaan dheeraad ah waxaa ka mid ah hoggaamiyaha xisbiga Jubilee, Fred Matiang’i, xildhibaanka deegaanka Kiharu, Ndindi Nyoro, oo ah hoggaamiya xisbiga Peoples’ Party of Kenya, iyo Senator-ka Nyandarua, John Methu, oo ah xoghayaha guud ee xisbiga DCP.
Hase yeeshee, Ichung’wah oo wareysi Axaddii habeenkii siiyay telefishin maxalli ah oo ku hadla afka deegaanka, ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay mashruuca warshadda shidaalka u adeegsanayaan kicinta walaaca bulshada iyo inay dowladda ku muujiyaan mid xogta shacabka ka qarinaysa.
Wuxuu sheegay in dadka dalbanaya heshiiska ay yihiin siyaasiyiin ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, isagoo xusay inuusan maqal midkood oo soo gudbiyay mooshin ama bayaan rasmi ah oo dalbanaya in heshiiska la horgeeyo Baarlamaanka.
Ichung’wah ayaa intaas ku daray in marka dukumenti ama heshiis la horgeeyo Golaha Shacabka uu noqonayo xog dadweyne oo la heli karo.
Xildhibaanka deegaanka Kikuyu ayaa sidoo kale tixraacay qodobka 35-aad ee Dastuurka Kenya, kaas oo muwaadiniinta siinaya xaqa ay ku heli karaan xogta ay dowladdu hayso. Wuxuu sheegay in xogta dowladda aan laga qarin karin shacabka.
Home Wararka Kenya Ichung’wah: Faahfaahinta heshiiska warshadda saliidda Dangote waa mid dadweynuhu heli karaan




