Dowladda Soomaaliya Oo ka qeyb noqonaysa Ururka Ganacsiga Adduunka

0
581

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda fedaraaka Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa ka qeyb-galay shirkii ugu horreeyey ee dhex-maraya Agaasimaha Guud ee dhawaan loo doortay Ururka Ganacsiga Aduunka iyo wasiirada ganacsiga iyo maal-gashiga ee wadamada Afrika kaas oo ujeedkiisu ahaa siddii la iskaga xog-waraysan lahaa horumarinta Ganacsiga Afrika.
Wasiir Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ku biiritaanka Ururka Ganacsiga Aduunka isla markaana ay ka Wasaarad ahaan sameeyeen dadaal iyaga oo wakhtigan ka soo gudbay qeybo ka mid ah shuruudaha loogga baahan yahay xubinimada Ururka Ganacsiga Aduunka oo qeyb laxaad leh ka qaadan doona horumarinta Ganacsiga Soomaaliya sidoo kalane u horseedi doona suuqyo ganacsi oo caalami ah.
Wasiirka oo hadalkiisa jeedinayay ayaa yiri “Waxaan bixinay juhdi badan si aan qeyb uga noqo uruka ganacsiga Adduunka waana gudbinay qeyb ka mid ah waxyaabhihii nagala rabay’’.