Doorasho madaxtinimo oo socoto Iiraan

0
486

Ku dhawaad 60 milyan oo ka mid ah shacabka dalka Iiraan ayaa maanta dhiibanaya codkooda si ay u dortaan madaxweyne bedelaya Xasan Ruuxaani.
Ilaa afar musharrax ayaa loolan ugu jiro xilka ugu sarreeya wadankaas.
Golaha The Guardian Council oo sameeya turxaan bixin dastuuri ah kana kooban 12 xubnood oo uu hoggaamiyo Cali Xuseeini Khamenei ayaa dhowr musharraxiin ah ka hor istaagay ka qayb galka doorashada.
Goobaha codbixinta ayaa furmay 7-dii subaxnimo ee maanta waxayna soo xirmayaan saqda dhexe ee caawa in kastoo labo saacadood lagu kordhin karo.
Natiijada ayaa la filayaa in ay soo baxdo berri duhurkii.
Hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ayatollah Khamenei oo codkiisa ka dhiibtay magaalada Tehraan ayaa shacabka ugu baaqay in ay si weyn ugu soo baxaan si ay u soo xushaan madaxweyne ay ku qanacsan yihiin.