DHAGEYSO:Munaasabad lagu soo bandhigayay wargeys caalami ah oo Soomaaliya ka soo baxaya oo Muqdisho lagu qabtay

0
517

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Dalxiiska ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Fedraalka ah ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu daah furayay majalad bile ah oo ay hirgalisay Somali Magazine.
Waxay ay Mas’uuliyiintu sheegeen inay tahay talaabo loo baahnaa Maadaam Majaladaan lagu faahfaahin doono hormarka dalka Soomaaliya ka jira sida uu sheegay Agaasimaha Somali Magazine Ridwaan Yuusuf Xaaji.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in kobcinta Qoraalka ay ka mid tahay dhaxalka dalka

Wasiirka wasaardda warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay in qoraalku yahay waxa ugu Muhiimsan ee ka qayb qaata hormarka dalka taasina ay micno u yeelayso dalka iyo khayraadka uu gaarka u leeyahay.