Uganda oo sheegtay in aanay jirin kiisaska Ebola kadib markii bukaan u dhashay Nigeria uu dalka sii maray

0
62

Dowladda Uganda ayaa shacabka ugu baaqday inay isdejiyaan, feejignaanna muujiyaan kadib markii Nigeria ay xaqiijisay kiis Ebola ah oo laga helay haweeney u safartay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) arrimo ganacsi awgood.
Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa sheegtay in xogta hordhaca ah ay muujinayso in haweeneyda u dhalatay Nigeria ay horraantii bishii Oktoobar sii martay Uganda iyadoo aan lahayn wax calaamado ah oo cudurka ah, balse ay calaamaduhu ku soo baxeen kadib markii ay gaartay Nigeria.
Wasaaraddu waxay caddeysay in xaqiiqda ah in haweeneydu ay Uganda sii martay aanay caddayn u ahayn in ay dalkaas ka qaaday fayraska, iyadoo sheegtay in weli baaritaan lagu hayo goobta ay suurtagalka tahay inay cudurka ka qaadday.
Waxay intaa ku dartay in dowladda Nigeria aanay weli bixin faahfaahin dhammaystiran oo ku saabsan safarradii ay haweeneydu martay iyo taariikhdeeda caafimaad. Xogtan ayaa muhiim u ah sii wadista baaritaannada iyo raadraaca dadka ay suurtagalka tahay inay la kulmeen.
Wasaaraddu waxay sheegtay in xogtaasi door muhiim ah ka ciyaari doonto ogaanshaha duruufaha ku xeeran caabuqa la soo sheegay iyo go’aaminta tallaabooyinka caafimaadka dadweynaha ee ku habboon.
Dowladda Uganda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday qorshe lagu xoojinayo baaritaannada caafimaad iyo tallaabooyinka ka hortagga cudurrada ee laga fuliyo goobaha laga soo galo dalka. Wasaaradda Caafimaadka ayaa arrintan kala shaqaynaysa hay’adaha ay khusayso.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabooyin kooban loo sii daayey isu-socodka bani’aadannimo iyo diblomaasiyadeed, iyadoo intaa ku dartay in la xoojin doono kontaroolada caafimaad ee goobaha laga soo galo dalka.
Waxay shacabka ku boorrisay inay sii wadaan ilaalinta nadaafadda aasaasiga ah, oo ay ka mid yihiin gacmo-dhaqashada joogtada ah iyo isticmaalka jeermis-dilaha gacmaha, inta ay socdaan baaritaannada la xiriira kiiska la soo sheegay.
Ugu dambayn, wasaaraddu waxay sheegtay inay xogaha la xaqiijiyey ku baahin doonto marinnadeeda rasmiga ah ee isgaarsiinta, iyadoo shacabka ugu baaqday inay feejignaadaan kana fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin.