DHAGEYSO:Puntland oo ka jawaabtay dhaliilo loo jeediyay

0
455

Wasiirka Caddaaladda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa sheegay in aysan jrin Aayad iyo Xadiis saxiixa oo ku soo arooray gudniinka gabdhaha lagu sameeyo.
Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa xusay in cidii dood sharciyeed ka qabta xeerka gudniinka gabdhaha ee ay wasaaradda Maamulkaas meelmariyeen ay diyaar u yihiin inay kala hadlaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha yahay mabda’ uu qabo Maamulka Puntland, aysana jirin cid gaara oo gadaal ka riixaysa.

Wasiirka Caddaaladda Maamulka Puntland ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo wasiiro ka tirsan Maamulkaas ay ugu jawaabayeen qaar ka mid ah culimada oo ka hormiyid xeerka gudniinka gabdhaha ee horyaalla Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Dhanka kale Shirka Amniga Gobolka Bari oo lagu qabtay Magaalada boosaaso ee Xarunta Gobolkaasi ayaa waxaa looga hadlay qodobo amaanka la Xiriira waxayna Saraakiishu sheegeen inay Ciidamada amaanka heegan Sare Galiyeen si ay kaga hortagaan Khatar kasta oo dhanka amaanka ah.
Taliyaha Booliska Qaybta Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud oo kulankan Shir Guddoomiyay ayaa u mahadceliyaya Ciidamada ammaanka.
Waxaa uu Tilmaamay inay shaqada ay hayaan shacabku kalsooni ku qabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here