Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa siyaasiyiinta ka tirsan garabka mucaaradka mideysan ee doonaya inay isaga kula tartamaan hoggaanka ugu baaqay inay ka gudbaan hal-qabsiga ah inuu isaga xafiiska banneeyo.
Waxaa uu ka dalbaday inay ka hor doorashada guud ee sanadka 2027-da dadweynaha u soo bandhigaan qorsheyaal cad oo la xiriira waxyaabaha ay qaban doonaan.
Ruto ayaa sheegay in mucaaradka aynan fahansanayn ganacsiyada qaxwada, caanaha ,caleenta shaaha iyo qasabka oo ay u ololeynayaan in la joojiyo mashruuca dhisidda guriyaha qiimo ahaan la awoodo iyo caymiska caafimaadka ee SHA.




